Sunday, March 26, 2023

IGAD oo War kasoo saartay Xaaladda Laas Caanood iyo Waanwaan uu wado Ismaaciil C. Geelle

Urur goboleedka IGAD oo shaaciyay in madaxweynaha Jabuuti uu waanwaan ka dhex wado dhinacyada xaaladda gobolka Sool iyo xiisadda ka taagan, iyagoo ka walaacsan xaaladda magaalada Laascaanood.

“Xiisadda Laascaanood waxay noqotay arrin walaaceeda leh oo horseeday inay tiro dad ah ay ku dhinteen halka khasaare kalena uu ka dhashay” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay IGAD.

Ururkan ayaa sidoo kale sheegay in Somaliland ay ku howlan tahay sidii xal nabadeed looga gaari lahaa xiisadda, waxayna IGAD u mahadcelisay madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo sameeyay dadaal nabadeed oo ku aadan joojinta colaadda Laascaanood.

Ad

Ma cadda doorka Madaxweynaha Jabuuti ee xaaladda Laascaanood, waxayse wararku sheegayaan in kaliya ku saabsan tahay ka hortag dagaal ka dhaca Sool oo dalalka IGAD ay welwel ka qabaan.

Bayaanka kasoo baxay IGAD ayaa sidoo kale lagu sheegay inay ka shaqeeyaan xaqiijinta amniga, xasiloonida iyo horumarka Soomaaliya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,959FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,958FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!