Thursday, July 10, 2025

Ilaalada gaarka ah ee Ra’iisal Wasaaraha & xubno hordhac u ah oo gaaray Dh/mareeb & Sheekh Shaakir oo soo bandhigay…

Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in ciidamada gaarka ah ee ilaalada Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre iyo wafdi hordhac u ah ayaa gaaray magaaladaasi oo lagu wado inuu tago magaalada.

Waxaa si weyn loo adkeeyay amniga magaalada Dhuusamareeb, iyadoo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM iyadoo loo diyaar garoobayo wafdiga Ra’iisal wasaaraha oo hordhiciisi ay ka mid yihiin ilaaladiisa gaarka ah ay gaareen.

Ra’iisal wasaaraha oo marar badan dib u dhigay socdaalkiisa uu dib ugu laabanayo magaalada Dhuusamareeb ayaa la sheegay inuu la xiriiro sidii loo soo gabagabeyn lahaa xulista xildhibaanada cusub ee Galmudug iyo dardargelinta Doorashada Galmudug oo muddo badan dib u dhacay.

Dhinaca kale Ahlu suna ayaa soo bandhigtay 20-ka xildhibaan ee ay soo xuleen, iyadoo shir ay ku yeesheen xarunta INJ ee magaalada Dhuusamareeb uu guddoomiyey madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir.

Waxaa weli taagan khilaaf ka dhashay xubnaha la siiyey Ahlu suna ee xildhibaannada Galmudug oo beelo badan ka hor yimaadeen iyo Ahlu suna oo diiday in xildhibaanadeeda ay maraan shuruudaha ay soo qoreen Guddiga Farsamada ee maamul u sameynta Galmudug.

Image may contain: 8 people, people standing and indoor
Image may contain: 3 people, people sitting and indoor
Image may contain: 5 people, people sitting, table and indoor

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON