Wararka laga helayo magaalada Garowe ayaa sheegaya in Ciidamada ilaalada Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni ay toogasho ku dileen Haweeney shacab ah oo la socotay gaari ay ka shakiyeen.
Falkan ayaa yimid Dilka, kadib markii Gaari ay wateen dad Shacab ah oo ay la socotay haweeneydan uu si laa filaan ah usoo dhex galay Kolonyadii galbineysay Madaxweynaha Puntland, xalay markii uu dib ugu soo laabanayay Magaalada Garoowe.
Haweeneyda ku geeriyootay toogashada ilaalada Madaxweynaha Puntland ayaa magaceeda lagu sheegay Allaha unaxariistee Maryan Axmed Caato.
Taliyaha Booliska gobolka Nugaal Maxamed Jaamac Dagale ayaa sheegay in dowladdu Puntland ay bixineyso diyada gabadha dhallinyarrada ahey ee Maryan Axmed Caato- oo ku dhimatay, kadib rasaas ay ciidamada ilaalada Madaxweynaha Puntland ku fureen Gaari ay saarneyd.
Taliyuhu wuxuu sheegey in baabuurka gabadha ay saarneyd uu waday wiil kaasi oo hadda xiran,. falkuna u dhacay si mas’uuliyad darro ah.
