Thursday, March 28, 2024

RW Rooble oo si adag uga hadlay Kiiska Ikraan Tahliil. “Gacanta ayey soo geli doonaan kuwii dhibaatada..”

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa si toos ah uga hadlay kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo ahayd sarkaalad ka tirsan NISA oo la waayey.

Wuxuu sheegay in Kiiska Ikraan Tahliil inuu u taagan yahay Cadaalad. “Gabadheenii Ikraan Tahliil cadaalad waa heleysaa, kuwii dhibka u geystayna ama maanta aan helno ama berri aan helno gacanta shacabka Soomaaliyeed waa soo geli doonaan, waana lala xisaabtani doonnaa…” ayuu yiri Roobke.

Ra’iisal wasaare Rooble ayaa sheegay in Maxkamadda Milateriga ay howsha Dacwadda Ikraan loo xil saaray, ayna sugayaan go’aankeeda, haddana uu farayo inay sida ugu dhaqasiyaha badan howsheeda u bilaabato.

Ad

Wuxuu soo hadal qaaday Khilaafka kala dhaxeeya Maxamed C/llaahi Farmaajo, isagoo sheegay inay khilaafyadu iska yimaadaan, oo aan loo qaadan wax weyn, wuxuuna ku baaqay inay dadku ilaalashadaan xasiloonida.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON