Monday, October 25, 2021

AMISOM oo shaacisay ujeedka Socdaalkii Muqdisho ee Taliyaha Ciidamada Dhulka ee Uganda (Sawirro)

AMISOM ayaa warbixin ka qortay socdaalkii uu Taliyaha Ciiddanka Dhulka ee Uganda (CLF), Sarreeye Guud, Muhoozi Kainerugaba, ku yimida Soomaaliya oo qaatay muddo 5 maalmood ah.

Taliyaha oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha Uganda ayaa booqday Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka Midowga Afrika ee Somalia (AMISOM), si uu u qiimeeyo shaqadadooda iyo inuu ku bogaadiyo howsha ay hayaan ee Taageeradda Nabadda.

Lt. Gen. Kainerugaba wuxuu Soomaaliya joogay intii u dhaxeysay 23-kii ilaa 27-kii Sebtember, isagoo tegay xarumaha ciidamada Uganda ee qeybta ka ah dagaalka Al-shabaab iyo soo celinta nabadda iyo xasilloonida dalka.

Ad

“Ujeeddada booqashadayda ayaa ah inaan ku bogaadiyo ciidamada howlaha baaxadda leh ee ay ka wadaan Soomaaliya. Marka labaad, waa in lala hadlo oo la dareemo dhibaatooyinka iyo caqabadaha ay wajahayaan ciidamada” ayuu yiri Lt. Gen. Kainerugaba.

Intii ay socotay booqashadiisa shaqo ee shanta maalmood ah, Lt. Gen. Kainerugaba, wuxuu salaan sharaf ugu tagay Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo”, iyo Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Maxamed Xuseen Rooble; wuxuu la kulmay hoggaanka militariga AMISOM wuxuuna booqday saldhigyo kala duwan oo hore u hawlgala, halkaas oo uu kula falgalay ciidamada Uganda ee jiidaha hore.

Wuxuu kormeeray ciidamada Uganda ee AMISOM, wuxuuna markii dambe kulan albaabadu u xiran yihiin la yeeshay saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada Uganda, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen taliyaha ciidamada Uganda, Sarreeye Guuto, Don William Nabasa, iyo Maj. Gen. Lucky Joseph. Kidega, Lataliyaha Difaaca Uganda ee Soomaaliya.

- Advertisement -

Lt. Gen. Kainerugaba ayaa ciidamada Uganda ku booqday Carbiska, Ceeljaale, Baraawe, iyo Balidoogle, halkaas oo uu kula dardaarmay inay ilaaliyaan anshaxa, xirfadda iyo xiriirka wanaagsan ee ay la leeyihiin bulshooyinka maxalliga ah maadaama ay gudanayaan waajibaadkooda nabad -ilaalineed.

“Waa inaad fahanto inaad tihiin safiirrada Uganda ee halkan jooga Soomaaliya,” ayuu yiri, isagoo raaciyay, “Ha sameynina wax sumcad -darro u keenaya magaca Uganda iyo UPDF.” ayuu yiri, isagoo la hadlayey ciidamada Uganda. Wuxuu sheegay inuu aad ula dhacay shaqada ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed. Waxa uu xusay in kasta oo ay jiraan caqabado badan, haddana ciidamada Uganda waxy si habsami leh u gutaan waajibaadkooda.

UPDF Commander Land Forces visits AMISOM troops in Somalia

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

159,384FansLike
2,430FollowersFollow
5,893FollowersFollow
159,384FansLike
2,430FollowersFollow
5,892FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!