Wednesday, July 16, 2025

Imisa daqiiqo ayuu qaatay kulankii Madaxweyneyaasha Farmaajo & Donald Trump..? [Akhriso]

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa kulan la yeeshay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo ay isku arkeen shir madaxeedkii Riyad.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in kulan kooban uu dhex maray labada Madaxweyne, ayna ka wadahadleen arrimaha la dagaalanka Al-Shabaab iyo sidii dowladda Mareykanka ay gacan uga geysan lahaa.

Wararka laga helayo shirka ayaa sheegaya in kulanka Farmaajo iyo Trump uu qaatay muddo 5 daqiiqo ku dhowaad ah, iyadoo uu ahaa is arag, sallaan, iyo hadallo la isku tuurtuuray ee aanu ahayn kulan falanqeyn ka dhici karto.

Madaxda 55 dal oo islaam ah ayaa kulankii Riyaad kaqeyb galay, waxaana looga hadlay sidii looga hortegi lahaa argagixisada, iyadoo la furay xarun qaabilsan la-dagaalanka fekerka argagixisada.

Madaxweyne Farmaajo oo laba arrin kala mid noqday Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump [Akhriso]

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON