Tuesday, July 1, 2025

In ka badan 200 Alshabaab oo lagu dilay Degaan ka tirsan Sh/Dhexe iyo Horjoogayaal ka mida

Dowladda Federaalka ayaa shaacisay qasaare weyn oo Alshabaab lagu gaarsiiyey dagaal maalmahan ka socday degaanka Inj oo 23 KM u jira degmada Mahadaay ee Gobolka Sh/Dhexe.

“Ilaa hadda waxaa halkaas lagu dilay in ka badan 200 ka mida meleeshiyadaasii Khawaarijta Alshabaab, waxaan heynaa muuqallo caddeymaha meydadka lasoo ururiyey ee la asturay. Waxaa nolol lagu qabtay qaar dhaawac ah, waxaa sidoo kale looga furtay hub ilaa 300 Qori oo isugu jira noocyada kala duwan…” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta C/raxmaan Al-cadaalla oo shir jaraa’id qabtay goor dhoweyd.

Howlgalka ka dhacay degaanka Inj oo ayaa waxaa ka qeyb qaateen diyaaradaha dagaalka saaxiibada caalamka, ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka, waxaana lagu dilay horjoogayaasha Alshabaab ee kala ah:

Salaad Maxamuud Siyaad Madiii Sakawaadka

Yuusuf Cali Sheekh – Guddoomiyihii degaanka Fiidow

Sandheere oo ahaa Taliyaga Xisbada

Xuseen Dheere – ku xigeenka Madax Sakawaadka

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON