Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in is mari waa’ uu ka dhashay qaabka uu Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ku tegi lahaa Waqooyiga magaalada Gaalkacyo.
Arrintan ayaa timid kadib markii maamulka Puntland uu qorsheeyay inuu hoos u dhigo qaabka soo-dhoweynta Ra’iisal wasaaraha, waxaana madaxweyne Deni uu magaalada u soo diray wasiiro ka tirsan maamulkiisa oo qaabila wafdiga Ra’iisal wasaaraha, balse aysan jiri doonin isu soo bax dadweyne.
Mas’uuliyiinta dowladda federaalka ee qabanqaabinaya socdaalka Ra’iisal wasaaraha ayaa doonaya inuu meel fagaare ah kala hadlo dadweynaha, isla markaana si weyn loogu soo dhoweeyo wafdiga Ra’iisal wasaare, taasoo ay diidan yihiin madaxda Puntland, waxayna arrintaasi keentay in labada dhinac ay is mari waayaan oo kulamo ay yeesheen la isku fahmi waayey.
Xiriirka dowladda Federaalka iyo maamulka Puntland ayaa ah mid aan wanaagsaneyn, waxayna hore u sheegtay Putland inay hakisay xiriirkii dowladda Federaalka, iyadoo dhowaan madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni uu ku eedeeyay dowladda federaalka inay u dhaqmeyso sida dowlad keli-talis ah.