Wednesday, July 9, 2025

Is-miidaamiye isku Qarxiyey Bar laga ilaaliyo Villa Somaliya iyo Cidda la beegsaday oo…

Qof is-miidaamiye ahaa ayaa isku qarxiyey Barta ciidamada ilaalada Madaxtooyada ee Isgoyska Ceelgaab, kaasoo dhaliyey qasaare dhimashi iyo dhaawac leh.

Afhayeenka Ciidamada Booliska Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa xaqijiyey in qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa uu isku qarxiyay Isgoyska Ceelgaabta ee Magaalada Muqdisho, isla markaana ay ku waxyeeloobeen dad rayid ah.

Is-miidaamiyaha ayaa la sheegay inuu beegsaday ciidamo iyo Gaari kale oo dad shacab ah oo la sheegay inay ergo dooraso ahaan ay la socdeen, waxaana goobta ka dhashay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Ciidamada Booliska iyo kuwa ilaalada Madaxtooyada ayaa xiray goobta qaraxu ka dhacay oo markii horeba ka xirneyd gaadiidka sababo la xiriira Doorashada ka socota Dugsiga Jeneraal Kaahiye ee Booliska.

Qoraal kooban oo ka soo baxay booliska ayaa lagu sheegay in qaraxan uu ahaa is-miidaamin, kaas oo ay ku sheegeen in qofka is qarxiyay uu la eegtay dad rayid ah, iyadoo aysan jirin faahfaahin intaas dheer oo laga bixiyay khasaaraha ka dhashay qaraxan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON