Isimada dhaqanka Puntland ee ku sugan magaalada Boosaaso aya soo saaray Baaq nabadeed oo degdeg ah, iyadoo labada dhinac ku amray xabbad joojin iyo inaan rasaas danbe la ridin.
Baaqan oo ka kooban saddex qodob ayey isimadu ku dalbadeen xabbadjoojin si degdega u dhaqan gasha, waxaana qodobadda ka mida:
1. In xabadda la joojiyo si shuruud la’aan ah
2. In loo turo shacabka, lana caawiyo dadka ay waxyeeladu ka soo gaartey dagaalada
3. Waxaan ku adkeyneynaa, saraakiisha kala hoggaamineysa labada dhinac in aysan xabbad danbe ridi karin.
Waxay qoraalkooda ku sheegeen isimada inay si dhow ula socdaan xaaladda amni ee Magaalada Boosaaso oo gashey mid dagaal, taasoo sababtey, dhimasho, dhaawac, barakac baahsan iyo burbur hantiyeed, labadii maalmood ee u danbeysey.
