Maamulka Puntland ee madaxweyne C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa ku gacan seyran, kana hor yimid go’aankii maanta ka soo baxay isimada Puntland ee ku lagu caddeeyay in in laga noqday amarkii mas’uuliyiinta xukuumadda Federaalka looga mamnuucay degaanada Puntland inta ay socoto doorashada maamulkasi.
War-saxaafadeed caawo ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay inaysan waxba iska beddelin amarkii wasaaradda Amniga Puntland ay ku mamnuucday, in madaxda iyo shaqaalaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya tagaan degaanada Puntland xilliga lagu jiro doorashada.
Shir ay yeesheen isimada Puntland iyo musharixiinta doorashada Puntland ayaa maanta lagu go’aamiyey inaan degaanada Puntland loo diidi karin cid kasta oo Soomaali ah oo aan dembiile ahayn, ayna kala tashadeen maamulka madaxweyne Gaas ee talada haya, taasoo hadda u muuqata inaan la isku raacsaneyn.
Mas’uuliyiinta madaxweyne Gaas ka mamnuucay Puntland ayaa kala ah wasiirada, shaqaalaha xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha, waxaana ku jirin xildhibaannada labada Aqal ee dowladda Federaalka Soomaaliya.