Waxaa la qabanqaabinayaa isu-soo bax weyn oo loogu Duceynayo Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir marxuum C/raxmaan Cumar Cusmaan oo Isbitaal ku yaalla magaalada Doha ee dalka Qatar ugu geeriyooday dhaawac ka dhacay xafiiskiisa xarunta Gobolka Banaadir.
Isu-soo baxa ay qabanqaabinayaan Dowladda Somalia iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka dhacaya Garoonka banaadir ee Koonis, kaasoo warar kala duwan sheegayaan in loo bixin doono Garoonka C/raxman Yariisow si loogu maamuuso Marxuumka.
Boqolaal dadweyne iyo mas’uuliyiin kala duwan ayaa la filayaa inay ka qeyb galaan bannaanbaxa Ducada ah ee loo sameynayo Eng. Yariisow, iyadoo tacsidiisa ay ka socoto magaalada Muqdisho, halkaasoo la isugu geeyay xoolihii ugu badnaa ee tacsi la geeyo.