Tuesday, June 24, 2025

Itoobiya oo gacanta ku dhigtay maamulkii ugu danbeeyay ee Galmudug & C/kariin Guuleed

Madaxweynihii ugu danbeeyay maamul goboleedyada dalka ayaa u gacan galay dowladda Itoobiya kadib markii socdaal wax badan la sugayay uu ku tegay magaalada Adis ababa ee daka Itoobiya.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug C/kariim Xuseen Guuleed  ayaa noqday ninkii ugu danbeeyay ee madaxda Soomalida oo iska xaadiriya Addis ababa iyadoo socdaalkiisa markii hore lagu sheegay waanwaan laga dhex wado maamulada Galmudug iyo Ahlu suna, waxayse arrintu u xuub siibatay wadahadal labada dhinac u dhaxeeya.

Hore ayaa looga cabsi qabay in Itoobiya aysan raali ka ahayn oo ay go’doomiso maamulka Damjadiid madaxda ka tahay ee Galmudug, waxayse wararku sheegayaan in dadaal dheer loo galay sidii la isugu xiri lahaa maamulka C/kariin Guuleed iyo Itoobiyaanka, waxaana arrintaasi markii dambe  hormuud ka boqday Xildhibaan Mustaf Dhuxulow oo ah mid ka mida siyaasiyiinta Soomaalida oo Itoobiya u tacban  oo haddana ka mida wafdiga Guuleed.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa kulankii ugu horeeyay ee fool ka fool ah Addis kulayeeshay Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Tedros Adhanom, waxaana labada dhinac la sheegay inay uga wadahadleen  xiriirka Itoobiya iyo maamul Galmudug oo xuduud dhinaca dhulka.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON