Tuesday, July 8, 2025

Itoobiya oo jebisay Balanqaadkii Farmaajo [Akhriso Qoraal faragelin ah oo ay Somaliland u dirtay]

Dowladda Itoobiya ayaa si bareer ah u jebisay balanqaad ay u sameysay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Warqad uu qoray Qunsulka Itoobiya u fadhiya magaalada Hargeysa Gen. Berha Tesfaye ayuu si cad loogu farageliyay qaranimada iyo madax bannaanida Soomaaliya, waxaana qoraalkaasi oo ahaa Hambalyeeyi Qunsulku u diray Maamulka Somaliland maalinta ku qoran in Somaliland ay tahay Qaran.

Warqadan oo si weyn loogu baahiyay baraha bulshada ayaa waxaa ka muuqda in Qunsulka Itoobiya Itoobiya iyo Somaliland ku sheegayo inay yihiin laba dowladdood oo xiriir wanaagsan leh.

Lama oga tallaabada ay qaadi doonto dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana arrintan ay noqoneysaa faragelintii ugu weyneyd ee diblomaasi Itoobiyaan ah kula kaco Soomaaliya, waxaana la sugayaa go’aanka ay qaadan doonto dowladda Soomaaliya.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON