Monday, June 23, 2025

Itoobiya oo sheegatay inay duqeyn Diyaarad ku leysay Dagaalamayaashii ugu badnaa ee Alshabaab [Akhriso]

Wasaaradda Difaaca Itoobiya ayaa war ay soo saartay ku sheegtay inay duqeyn ay diyaaradaheeda dagaalka ka fuliyeen Gobolka lagu dilay 35 xubnood oo ka mida Alshabaab.

Weerarka ayaa la sheegay inuu ka dhacay degaanka Buur-heybe oo 75 KM u jirta Bariga magaalada Baydhaba, waxaana uu dhacay  24-kii janaayo kadib weerarkii jidgalka ahaa ee kolonyo ka tirsan ciidamada Itoobiya ay kala kulmeen Alshabaab.

Wasaaradda Difaaca Itoobiya ayaa warkeeda ku sheegtay in weerarka oo socday muddo 44 daqiiqo lagu burburiyey afar gaadiid oo dagaal iyo qoryihii saarnaa, waxay kaloo sheegtay in weerarka lagu dilay laba sarkaal oo ka tirsan Alshabaab oo kala ah madixii Alshabaab ee degaankaasi Cabdu Osman iyo sarkaalkii qaraxyada u qaabilsanaa C/salam, iyadoo aysan jirin cid kale oo xaqiijisay warkan.

Ad

Diyaaradaha dagaalka Itoobiya ayaa marar dhib ah howlgallo ka fuliya gudaha Soomaaliya, iyagoo beegsanaya Alshabaab, laakiin kooxda Alshabaab aya beenisay weerarradioi hore ee Itoobiya sheegatay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON