Sunday, June 22, 2025

Itoobiya oo si yaab leh uga hadashay Wadahadalkii ay Turkiga kula yeelatay Dowladda Somalia.

Dowladda Itoobiya ayaa War kasoo saartay wadahadalkii ay dalka Turkiga ku yeesheen laba wafdi oo kala socday Itoobiya iyo Soomaaliya, iyadoo ay dhexdhexaadineyso dowladda Turkiga.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa lagu sheegay in codsiga Turkiga ay Itoobiya uga qeyb gashay wadahadalkii magaalada Ankara, ayna Wasiirrada arrimaha dibadda ee Itoobiya iyo Soomaaliya ay ku heshiiyeen inay sii wadaan wada-hadallo la doonayo in lagu xalliyo arrimahooda, laguna xaqiijiyo xasilloonida gobolka.

Qoraalka Wasaaradda Arrimaha dibadda Itoobiya ayaa lagu sheegay in kulanka uu yimid, kadib casuumaad uu Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Turkiga Hakan Fidan u fidiyay, Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Taye Atske-Selassie, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Ahmed Moallim Fiqi oo 1-dii Luulyo, 2024 ku shiray magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Ad

“Iyadoo loo marayo fududaynta Turkiga, waxay awood u yeesheen wasiirada inay si gooni gooni ah u yeeshaan is-weydaarsi daacadnimo, niyad-sami iyo aragti-horumar leh oo khuseeya khilaafaadkooda iyo sahaminta aragtiyo ku wajahan sidii wax looga qaban lahaa qaab la wada aqbali karo”. ayaa lagu yiri warka kasoo baxay wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya.

Itoobiya ayaa ku dooday in wasiirrada Itoobiya iyo Soomaaliya ay caddeeyeen inay ka go’an tahay in si nabad ah lagu dhammeeyo khilaafaadkooda, ayna isla garteen in la sii wado wada-hadallada socda si loo xalliyo arrimahooda, si loo xaqiijiyo xasilloonida gobolka.

Dhinaca kale dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inuusan jirin wadahadal toos ah oo dhex maray labada dhinac, isla markaana ay ka go’an tahay inaysan gorgortan ka gelin arrinta Kiiska Badda.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON