Wednesday, June 25, 2025

Itoobiya oo u yeertay Ahlu suna iyo Galmudug (C/kariin Guuleed & Axmed Shaakir oo Addis gaaray)

Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa galabta ka dhoofay magaalada Cadaado isagoo ku sii jeeda magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya, iyadoo ay noqoneyso markii ugu horeysay ee uu halkaasi iska xaadiriyo tan iyo intii uu xilka qabtay.

Ujeedka socdaalka C/kariin Guuleed ayaa la sheegay inay u yeertay dowladda Itoobiya oo waanwaan ka dhex wada kooxda Ahlu suna iyo maamulka Galmudug, waxaana lagu wadaa in labada dhinac si toos ah waanwaan looga dhex dhaliyo.

C/kariin Guuleed oo aan ka mid ahayn madaxda Soomaalida ee ku xiran Itoobiya ayaa hadda kadib laga cabsi qabaa inuu ku xirto Itoobiya oo dhinaca kale taageerta kooxda Ahlu suna, iyadoo heshiiska ay Itoobiya garwadeenka ka tahay ee Addis ka dhici doona aan la ogeyn isbedelka uu ku keeni doobo gobollada dhexe.

Madaxweynaha Ahlu suna ee Goboladda dhexe Sheekh Axmed Shaakir ayaa iminka ku sugan dalka Itoobiya isagoo dowladda Itoobiya ay halkaas ugu yeertay, waxaana laga war sugayaa dadaalka Itoobiya ee maamulka Gobollada Dhexe oo ka mida maamulada ay sida weyn u joogaan ciidamadooda.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON