Wednesday, June 25, 2025

Jabhad shaacisay inay qabsatay Magaalada Beledweyne iyo maamul ay ka dhiseyso.

Jabhad uu hoggaamiyo Jeneraal Xuud ayaa shaacisay inay qabsatay magaalada Beledweyne, kadib markiia ay xalay maleeshiyo ka tirsan ay soo galeen xaafadaha magaalada.

Arrintan ayaa ka danbeysay dagaal shalay duleedka magaalada Beledweyne ku dhex maray ciidamada dowladda iyo maamulka Hiiraan iyo maleeshiyo wadadda u gashay oo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan uu ku eedeeyay kooxda Jeneraal Xuud.

Wuxuu Jen. Xuud sheegay in ciidamo isaga ka amar qaata ay hadda maamulayaan  Baladweyne, ayna halkaasi ka dhisayaan maamul cusub oo lagu magacaabo Hiiraan State, isagoo diiday inay wax ku darsadaan maamulka Hirshabelle uu madax u yahay Cal Guudlaawe.

“Maamul la yiraahdo Hirshabelle kama jiro Gobolka Hiiraan. Waxaa dhacaya oo dhan, waxay u dhacayaan waa intaas. Sida dowladda federaalka khasabka iyo juujuubka ah ee ay ku dhisatay (maamulka Hirshabelle) si aan aqbali karno oo aan yeeli karno ma aha. Annaga Hiiraan baa nala yiraahdaa…gobolkan waa gobol gobolladii kale ka haray, xaqdarrada intaasi la’eg oo nagula sameeyay ayaan ka dhiidhinay oo aan diidannahay”. ayuu yiri Janaraal Xuud.

Xaaladda magaalada Beledweyne ayaa kacsan, waxaana gudaha magaalada isku hor fadhiya ciidamada dowladda iyo kuwa jabhadda, iyadoo laga cabsi qabo inuu dagaal ka dhaco magaalada.

Wuxuu dowladda federaalka ee Soomaaliya ku eedeeyay in ay diiday in ay wadahadal iyo heshiis la gasho ciidamadiisa, sidaa awgeedna ay xoog iyo cabburin ku dhistay maamulka haatan ka jira Hirshabelle. 

Ma jiro wax ah oo kasoo baxay maamulka Hirshabeelle iyo dowladda Federaalka oo ku saabsan xaaladda kasoo cusboonaatay magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON