Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ayaa soo saaray Jadwalka hadal-jeedinta Musharixiinta u taagan xilalka Guddoonka Golaha Shacbaka Baarlamaanka 11-aad ee Federaalka Soomaaliya.
Xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxaa u sharxan 8 xildhibaan, waxaana uu noqon doonaa tartan adag oo si weyn loogu loolamo, iyadoo ay khudbadahooda musharaxnimo jeedin doonaan Sabtida Berri 23-ka April 2022.
Guddoomiye ku xigeenka koowaad waxaa ku tartamaya 10 musharax oo ahaa kuwii ug u badnaa ee xilkan soo raadiya, iyadoo ay khudbadahooda jeedin doonaan Axadda 24-ka April 2022.
Musharxiiinta xilka Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha sahcabka waxaa ku loolamaya 7 Musharax oo isla Axadda 24ka April jeedin doona Khudbadahooda musharaxnimo.

Hoos ka akhriso Jadwalka