Friday, July 4, 2025

Jawaari oo shaaciyay xilliga la furayo kalfadhiga Baarlamaanka [Goormee la hor geynayaa Ra’iisal wasaaraha cusub?]

Gudoonka Golaha Shacabka ayaa shaaciyay xilliga uu furmayo kalfadhiga koowaad ee Baarlamaanka Federaalka.

War ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa lagu sheegay in kalfadhiga koowaad ee Baarlamaanka cusub uu furmayo Arbacada oo ku beegan 1-da bisha Maarso 2017.

“Waxaa na horyaala howlo culus oo muhiim u ah dhameystirka dowlad dhisidda Soomaaliya oo qeyb weyn oo ka mid ah ay Xildhibaannada si hufan u soo guteen waxaanna si xushmad iyo qadarin leh uga codsanayaa Xildhibaannada Golaha Shacabka in si aan u gudanno waajibaadkaas na horyaala ay dhowraan waqtiga isla markaana usoo xaadiraan furitaanka Kalfadhiga 1aad “ayuu ku yiri Guddoomiye Jawaari qoraal uu u diray xildhibaanda.

Warar laga helayo madaxtooyada ayaa sheegaya in madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo qorsheynayo inuu Ra’iisal wasaaraha uu magacaabay ee Xasan Cali Kheyre uu hor geeyo Baarlamaanka Khamiista 2-da Maarso si codka kalsoonida loo siiyo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari)

Xasan Cali Kheyre ayaa dhinaciisa wada olole uu kalsooni uga raadsanayo  xildhibaanada, wuxuuna maanta la kulmay xildhibaanada laba gole ee ka soo jeeda Beesha Daarood, isagoo ka codsaday inay codkiisa siiyaan.

Wuxuu hore ula kulmay xildhibaanada kasoo jeeda Beesha Hawiye oo codsi kan la mida uu hordhigay iyagoo u balanqaaday inay taageeri doonaan.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON