Mid ka mida Jeneraalada ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ka badbaadya isku dal dil oo kooxo hubeysan ay doonayeen inay ku khaarijiyaan.
Jeneraalka ayaa la sheegay in gaari uu la socday ay weerar ku soo qaaday koox ku hubeysan Bistoolado oo doonayay inay dilaan degmada Boondheere magaalada Muqdisho, balse wuxuu ku guuleystay inuu la dagaalamo oo iska caabiyo.
Gen. Amiin Sayid Barakow oo ka tirsan ciidamada Xoogga Dalka ayaa jawaab degdeg ah bixiyay markii kooxdan rasaas ku bilowday iyagoo watay Gaariga.
Is-rasaaseyn ayaa la sheegay inay dhex maray Jeneraalka iyo dableyda iyadoo uu dhaawac fudud soo gaaray jeneraalka dableydiina ay baxsatay iyagoo la sheegay inay waxyeelo gaartay.
Waa sarkaalkii ugu darajo sareeyay ee si toos ah ula dagaalama koox dabley ah oo dooneysay inay disho.
Goobjooge