Jen. Xuud: “Farmaajo waxaan igu imid oo reer Hiiran ah waa noo dhammeeyay..”
Jeneraal Abuukar Xaaji Warsame (Xuud) oo Muqdisho u jooga wadahadal uu la leeyahay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa shaaciyey mowqifkiisa ciidamada la geeyay magaalada Beledweyne.
Wuxuu sheegay in xaalad adag ka jirto, kana soo tegay dad iyo degana baaba’san iyo maamul xumo weyn oo ka jirta Gobolka Hiiraan, isagoo eedeeyay mas’uuliyiinta iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda Hiiraan.
“Arrinta ciidamada Beledweyne la geeyay.. mowqifkeyga waxa weeye. Ciidankaas Beledweyne la geeyay, haddii uu si Soomaalinimo ah u shaqeeyo waan soo dhoweynayaa, hadfii uu u shaqeyn waayana waan soo celineynaa..” ayuu yiri Jen. Xuud oo la weydiiyay ciidamada Farmaajo geeyay Beledweyne, isagoo u muuqday inuu raali ka ahaa.
“Dabageed waxa uu ku hadlayay aqoondarro ayaa u geysay, Anna waa i caaynayaa, Cali Guudlaawe-na waa soo dhoweynayaa, ayanadarro weyn waaye, mana aha mas’uul u qalma xil..” ayuu yiri Jeneraal Xuud.
Wuxuu bogaadiyey dowladii Jen. Maxamed Siyaad oo wixii ka danbeeyay uu sheegay in la awoodi waayey in la dhiso dowladii la burburiyey ee Soomaaliyeed. Isagoo ku dooday inuu heshiis ka dhex raadinayo khilaafka madaxda dowladda Federaalka ee is khilaafsan.
Wuxuu sheegay inuu heshiis u socda dowlada Soomaaliya, kaasoo noqo ndoona iftiin usoo baxa dadka reer Hiiraan, isla markaana si fiican loo soo dhoweeyay po loo fidiyey gogol Soomaaliyeed, ay ka hortegi doonaan dadka duminaya Qaranka, isagoo u mahad celiyey Farmaajo.
“Farmaajo wan is aragnay.. waxaan ugu imid oo reer Hiiraan ah waa noo dhammeeyay, wixii kalena waa la dhammeystirayaa.. Waxaan doonayaa inaan gacanta isu saaro oon heshiisiiyo Madaxda Dowladda” ayuu yiri Jeneraal Xuud oo caddeeyay inuusan weli arkin Ra’iisal wasaare Rooble.

“