Qoraal kasoo baxay Madaxweynaha aysan aqoonsaneyn dowladda Federaalka ee maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inay abaabuleyso degaal iyo xiisad ay ka abuurto magaalada Kismaayo.
Qoraalka laga soo saaray xafiiska Madaxweynaah ayaa lagu sheegay in “qasaaraha ka dhasha dagaalkaas ay mas’uuliyadeeda ay qaadayaan madaxda dowladda Federaalka”, waxaana lagu wargeliyey Beesha caalamka in dowladda Soomaaliya ay abaabuleyso duullaan amni darro iy xasarad amni darro ah oo ku wajahan magaalada Kismaayo, iyadoo wixii ka yimaada ay mas’uliyadeeda qaadi doonaan madaxda dowladda Federaalka.
Qoraalka waxaa algu sheegay in xayiraadda diyaaradaha ee la saaray Garoonka Kismaayo ay dhibaato ku reebtay shacabka ku nool maamuylkaasi, waxayna ha’yadaha gargaarka ugu baaqday in gar-gaar ay lasoo gaaraan shacabka ku dhibaateysan Jubbaland.
HOOS KA AKHRISO

