Monday, July 7, 2025

Jubbaland oo Doorasho Gacantaag ah kusoo saartay 3 Xildhibaan iyo Wasiir hore oo kusoo baxay

Maanta oo Jimce ahayd 18 Febraayo 2022, waxa magaalada Kismaayo lagu qabtay doorashada 3 kursi oo ka mida Golaha Shacabka Baarlamaanka Federalka Soomaaliya.

Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Jubaland ayaa dib u bilaabay doorashada kuraasta Golaha Shacabka markii ay hakad ku jirto in ka badan toddobaad, waxaana maanta lasoo saaray saddex xildhibaan oo kala ah:

Kursiga HOP092: Waxaa kusoo baxay wasiirkii hore ee Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska Federaalka Saadiq Cabdullaahi Cabdi, kadib markii musharraxii kula tartamayay kursiga HOP092 oo ahaa Cabdullaahi Aadan Ibraahim uu ka haray tartanka. Ergada ayaa gacantaag ku ansixiyay Injineer Saadiq Cabdullaahi Cabdi, waxaana guddoomiyaha guddiga doorashada Jubaland Siyaad Maxamed Mursal uu shaaciyay inay ansax tahay natiijada rasmiga ah ee kursigan.

Kursiga HOP023 waxaa kusoo baxday Nasra Mahdi Carraale, kadib markii ay u tanaasushay Sahra Cabdi Cilmi oo ku jirtay loollanka doorashada kursigan.

Kursiga HOP132 ee maanta isna kusoo baxday Cadar Xareed Jilbiil, kadib markii ay tartanka Doorashada ka hartay Ifraax Cabdiqani Yuusuf oo la tartami lahyd.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON