Golaha Wasiirada dowlad goboleedka Jubbaland oo maanta shir ku yeeshay magaalada Kismaayo ayaa soo saaray go’aan ay ku hakiyeen xiriirkii dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo magaalada Kismaayo laga joojiyey inay tagaan mas’uuliyiinta dowladda Federaalka.
Shirka oo uu guddoominayey Madaxweynaha Maamulkaasi Axmed Maxamed Islaam ayaa la sheegay inay Golaha wasiirada Jubbaland Cod aqlabiyad ah ku hakiyeen wadashaqaynta iyo isku socodka Xukuumada Federaalka iyo Jubbaland, inta ay ka dhaceyso doorashada maamulkaasi.
Golaha Wasiirada Jubbaland ayaa ku eedeeyay dowladda Somalia inay faragalia qaawan ku heyso Doorashada Jubbaland iyadoo khalkhal gelineysa arrimaha Jubbaland, waxayna shacabka Jubbaland ugu baaqeen inay midnimadooda adkeeyaan isla markaana meel uga wada soo jeedsadaan cidwalba oo dooneysa dhibaateynta amnigooda.
Wasaaradda arrimaha gudaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa sharci darro ku tilmaantay Liiska Odayaasha ee ay soo saareen Guddiga Doorashada Jubbaland, waxaana go’aanka Axmed Madoobe uu la mid yahay midkii uu qaatay maamulka Puntland intii ay socotay doorshada madaxweynaha maamulkaasi Janaayo 2019.