Guddiga Doorashada Jubbaland ayaa goor dhoweyd shaaciyey qabashada doorashada 16-kii kursi ee degaan doorashadoodu tahay magaalada Garbahaarey.
Qoraal kasoo baxay Guddiga SEIT ee Jubbaland ayaa lagu yiri: “Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland SEIT oo fulinaya waajibaadkiisa doorashada ee ku caddaa heshiisyadii madasha wadatashiga qaranka ay ka gaareen doorashooyinka dalka, waxay halkan ku shaacinayaan 16-ka kursi ee ka harsanaa kuraasta Golaha Shacabka ee ku astaysnaa Jubaland oo doorashadooda lagu qaban doono mudo 2 todobaad gudohood ah”
Guddiga oo Qoraalkiisa ku taxay tirsiga 16-ka kursi ayaan sheegin halka lagu qabanayo doorashada, laakiin wararka qaar ayaa sheegaya in maamulka Jubbaland uu doorashda ku qaban doono qeyb ka mida kuraasta magaalada Kismaayo, halka qeybta kale lagu qaban doono degmada Ceelwaaq.
