Maamulka Jubbaland ayaa war kasoo saartay weerarkii saaka ka dhacay degaanka Baar Sanguuni ee duleedka magaalada Kismaayo iyo qasaaraha kasoo gaaray kooxda Alsahbaab.
Weerarka oo Saaka Aroortii ay Alshabaab ku qaadeen Saldhigga ciidamada dowladda Soomalaiya iyo kuwa maamulka Jubbaland ayaa la sheegay in la fashiliyey, kadib markii ay malleeshiyaada Alshabaab isku dayeen inay ku galaan xarunta qaraxyo, balse ciidamada oo digtoonaa ay qarxiyeen mid kamid ah gawaaaridii ay ugu talagaleen inay xerada ku galaan.
Waxay kaloo ciidamada gacanta ku dhigeen Gaari Miineysan oo loogu talo galay inay ku burburiyeen buundada Baar Sanguuni oo dhawaan dib loo dhistay. Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Jubbaland Gen. Aadan Goojaar ayaa sheegay in Alshabaab weerarkii maanta looga dilay 52 malleeshiyaadkooda ka mida, kadibn weerar duqeyn cirka ah oo lagu qaaday.
Wuxuu intaas ku daray in Dagaalka toos ah isna lagu dilay 25 kale oo ka mida maleeshiyada Alshabaab, isagoo tirada guud ee laga dilay Alshabaab sheegay inay gaarayaan 77.
Warar madax bannaan ayaa sheegaya in Alshabaab ay weerarkii koowaad ku qabsadeen saldhigga, balse markii danbe ay kala wareegeen ciidamo gurmad ah oo ka yimid Kismaayo. Waxaana Alshabaab ay saldhigga ka qaateen saanad iyo gaadiid, iyadoo markii danbe ay diyaarado dagaal oo Mareykan ah ku duqeeyeen ciidamadii Alshabaab ee ka baxay Saldhiga Baar Sanguuni xilli ay sii marayeen agagaarka Buundada Araarre.
8 askari oo ka tirsan ciidamada Jubba iyo kuwa dowladda Somalia, waxaana isbitaalka Kismaayo la geeyay 7 askari.