Friday, June 27, 2025

Jubbaland oo War Cad kasoo saartay Xariga Wasiirkii Amniga maamulkaasi C/rashiid Janan

Maamulka Jubbaland ayaa War cad kasoo saartay xariga magaalada Muqdisho loogu geystay Wasiirkii Amniga maamulkaasi C/rashiid Xasan Janan, iyagoo ka digay inay cawaaqib xumo ka dhalan karta xarigaasi.

Qoraal kasoo baxaty Guddiga Amniga Jubbaland oo uu guddoomiye u yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa lagu sheegay in afduub loogu geystay magaalada Muqdisho Wasiirkii Amniga Jubbaland C/rashiid Janan xilli uu socdaal shaqo ku mareyay Garoonka diyaaradaha Muqdisho, kuna sii jeeday magaalada Addis Ababa.

Xariga wasiirk ayey Jubbaland sheegtay inuu yahay mid sharci darrro ah oo aan raad ku laheyn xuquuqda muwaadinka iyo xasaanada Mas’uuliyiinta. Waxayna ugu baaqay cid kasta oo ku lug leh tallaabada xoriyada looga qaaday Wasiirkii Amniga  Jubbaland C/rashiid Janan si degdeg ah dib loogu soo celiyo xoriyadiisa.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON