Guddiga Doorashooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa shaaciyey caawa 11-ka kursi oo lagu dooranayo maamulka Koonfur Galbeed.
Kuraastan oo ay hadda ku fadhiyeen xubno muhiim ah ayaa la filayaa in Doorashadoodaa Golaha Shacabka lagu bilaabo magaalada Baydhaba. Gudddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa sidoo kale shaacinaya liiska kuraasta la dooranayo.
Doorashada Golaha Shacabka ee Koonfur Galbeed ayaa kuraasta ugu horeeeya ee la dooranyo waxaa ka dhex muuqda Guddoomiyaha Baarlamaanka 10-aad Maxamed Mursal, guddoomiyihii hore Prof. Jawaari, Sheekh Aadan Madoobe iyo xubno kale.
“Waxaan guddiga doorashada heer federal (FEIT) ku wargelineynaa liiska kuraasta baarlamaanka golaha shacabka ee aan qorsheyneyno in aan qabano todobaadka soo socda kuwaas oo tirsigoodu hoos ku xusan:
HOOS KA AKHRISO LIISKA 11-KA KURSI EE LAGU DHAWAAQAY
HOP#41: Idiris Cabdi Taqtar
HOP#42: Hani Maxamed Aadan
HOP#103: Maxamed Sh. Cismaan Jawaari
HOP#154: Sareeda Maxamed Cabdalla
HOP#170: Iimaan Cabdullaahi Cali
HOP#171: Fawsiya Maxamed Sheekh
HOP#180: Daahir Cabdi Cabdullaahi (Dr. Go)
HOP#182: Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxman
HOP#189: Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Modoobe)
HOP#193: Maxamuud Maxamed Boonow (Geeriyooday)
HOP#213: Yacquub Cali Maxamed
