Monday, July 14, 2025

KASHIFAAD: Cali C/llaahi Cosoble oo lagu qasbay inuu xaaskiisa ka saaro liiska musharaxiinta Aqalka Sare ee Hirshabeelle

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ayaa ku fashilmay qorshe uu doonayay inuu xubnaha aqalka sare ee maamulkaasi uga mid noqonayo ku soo daro xaaskiisa.

Cali C/llaahi Cosoble ayaa liiska musharaxiinta Aqalka Sare ee maamulka Hirshabeelle wuxuu ku soo daray xaaskiisa Maryan Axmed Harun  oo kasoo jeeda beesha Gaaljecel, taasoo keentay gadood ay sameysay beesha iyo xildhibaanadeeda maamulka Hirshabeelle oo ku hanjabay inay qaadici doonaan doorashada.

cali-cabdulaahi-cosobleArrintan labadii maalmood ee la soo dhaafay murankeedu taagnaa ayaa markii dambe madaxweynaha Hirshabeelle ay qasab ku noqotay inuu liiska musharixiinta ka saaro xaaskiisa.

Arrintan oo fadeexad ku keeni lahayd madaxweynaha cusub ee maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa dhex galay waxgarad iyo siyaasiyiin ku qanciyay inuu la noqdo magacaabidda Maryan Axmed Haarun.

Wararka laga helayo magaalada Jowhar ayaa sheegaya in xal laga gaaray is mari waa keenay inay dib u dhacdo doorashada xubnaha Aqalka sare iyadoo guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Cismaan Barre Maxamed uu  ka qeyb qaatay xalinta arrintan.

Isha: Hirshabeelle.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON