Friday, June 27, 2025

KASHIFAAD: Heshiiska muddo kordhinta ah ee dhex maray Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiye Mursal

Shaki badan ayaa ka dhashay kulanka uu Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ugu yeeray Baarlamaanka Federaalka 5-ta Febraayo 2021, iyadoo ay 3 maalmood ka harsan tahay muddo xileedkiisa, kadib markii beesha Caalamka ku cadaadisay inuu shir isugu yeero Madaxda Maamul Goboleedyada si loo xaliyo khilaafka Doorashada.

Kulankan oo si aan laga fiirsan loogu soo saaray War-saxaafadeedkii Madaxtooyada, laguna soo beegay maalin Jimce ah ayaa dib ugu dhacay 6-da Febraayo, laakiin waxaa lagu guuleysan waayey in heshiis lagu gaaro shirka Dhuusamareeb 4 , taasoo dhalisay inuu mar kale dib u dhac ku yimaado caaadis ka yimid Beesha Calaamkla dartiis.

Xogta aanu helnay ayaa sheegeysa in Madaxweyne Farmaajo uu heshiis hoose kula galay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh muddo kordhin Hal sano ah inay xilka sii heyso Dowladda Federalka sida Madaxweynaha iyo xukuumadda inta doorasho laga garsiinayo dalka.

Waxaa dalka kusoo laabtay guddoomiye Mursal oo looga yeeray dalka Tukiga, isagoo isu diyaariyay fulinta qorshaha Madaxweyne Farmaajo, balse waxaa arrinta ka war helay oo xiriiro badan la sameeyay wakiilada Beesha Caalamka oo si cad ugu sheegay inusan jirin waqti kordhin oo kaliya la raadinayo heshiis laga gaaro fulinta Doorashada.

Sidoo kale waxay Wakiilada beesha Caalamka la wadeegeen madaxweynaha inuusan jrii doonin ‘Muddo kordhin xileed’ oo ay tahya inuu heshiis la gaaro madaxda dowalda Goboleedyada; laakin iyadoo weli shirak la isku mari la’ yahay ayaa weli waxaa madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiye Mursal u taagan inay qabtaan kulankaasi si muddo kordhinta loogu dhawaaqo.

Xildhibaannada Baarlamaanka ee waqtigoodu dhammaaday ayaa hore u sameystay kaarar cusub oo dhacaya Disembar 2021, halka ay ansixiyeen qaraar inay xilka sii hayaan inta laga dooranyo Baarlamaanka 11-aad, waxaase ka duwan madaxweynaha iyo xukuumadda loo doonayo muddo kordhinta.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON