Monday, June 23, 2025

KASHIFAAD: Isbedal lagu sameynayo Qaar ka mida Golaha Wasiirada cusub & Qorshe la diyaariyay

Waxaa soo if baxaya xog ku saabsan wax ka bedel lagu sameynayo Golaha cusub ee wasiirada xukuumadda Soomaaliya  ee shalay la ansixiyay.

Heshiis arrintan ku saabsan ayuu ballanqaaday  Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre intii ay socdeen ololaha kalsooni u raadinta xukuumadda cusub oo ay ku lug lahaayeen saaxiibada Ra’iisal wasaaraha iyo madaxweynaha.

Xubno ka mida guddoonka Baarlamaanka iyo xildhibaano ayaa laga ballanqaaday in lagu qanciyo jagooyin wasaaradeed iyo kuwa hay’ado ka mida dowladda Federaalka si loo helo codadkooda. Arrintan waxaa ka soo shaqeeyay xubno xildhibaanno u badan oo ololaha ku jiray.

Ad

Xogta laga helayo xubno ku dhow-dhow Wasiirka koowaad ayaa sheegeysa in wax ka bedelka golaha wasiirada ay ku dhici doono muddo 3 bilood gudahood, iyadoo qoddobada loo dejiyay golaha wasiirada ay keeni doonaan xil ka qaadis lagu sameeyo xubno badan sida uu ku goodiyay Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.

Isbedelka ayaa saameyn doona wasiiro iyo wasiir ku xigeeno hadda la saluugsan yahay inaysan awood u lahayn wasaaradaha lagu magacaabay.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON