Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya is afgranwaa ka dhex jira Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo dhinac ah iyo Guddomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Cismaan Jawaari oo dhinaca kale ah.
Sidii ay hore u soo werisay Goobjooge.com Guddoonka Golaha Shacabka ayay lama filaan ku noqotay hab-dhaqan ay ku arkeen madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo markii xilka loo doortay isagoo aan wax la-tashi kala sameyn magacaabidda Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.
Arrinta ugu danbeysay ayaa ahayd in la-tashiyada magacaabidda Golaha wasiirada ee lala yeeshay Guddoomiye Jawaari ay ahaayeen kuwo kooban, isla markaana aan wax damaanad ah la siinin in xubnaha uu wato lagu dari doono Golaha Wasiirada cusub.
Kulankii ugu danbeeyay ee shalay galabnimadii ka dhacay Xarunta Madaxtooyada ee dhex maray saddexda nin ee ugu sareeya Madaxdooyada, Baarlamaanka iyo xukuumadda ayaa la sheegay inuu si weyn u saluugay Guddoomiye Jawaari, kadib markii liis intiisa badan qoran uu ka gaabsaday inuu taageero ama ka hor yimaado.
Xildhibaano ku dhow Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa u sheegay Goobjooge.com in xiriirka madaxweyne Farmaajo iyo guddoomiye Jawaari uu yahay mid hooseeya marka loo eego xiriirkii Jawaari la lahaa madaxweynihii hore ee xilka banneeyay, taasoo ay ugu wacan tahay talada uu isku keli yeelayo Madaxweynaha cusub.
Magacaabidda Golaha wasiirada cusub ayaa dib u sii dhaceysa iyadoo weli ay harsan tahay arrinta ugu weyn ee ah sidii Baarlamaanka loogu qancin lahaa kalsooni siinta xukuuumadda cusub.
Goobjooge.com