Mugdi badan ayaa ku xeeran qaabka loo magacaabo xilalka dowladda Federaalka, kadib markii baraha bulshada laga ogaaday mas’uuliyiin kala duwan oo la magacaabay, iyadoo aan loo marin dariiqii sharciga ahaa.
Waxaa ugu danbeeyay safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doono Boqortooyada UK, C/raxmaan Yuusuf Ceynte oo baraha bulshada loogu hambalyeeyay, tiiyoo aanay jirin wareegto kasoo baxday madaxweynaha iyo ansixin ka timid Golaha Wasiirada midna.
Goobjooge.com ayaa ogaatay in tan yo markii la Baarlamaanku Federaalka doortay madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo laga weecday qabkii sharciga ahaa ee loo magacaabi jiray madaxda dowladda, waxaana dhacda in magacaabiddu ka dhacdo baraha bulshada ama loo akhriyo golaha wasiirada.
Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa magacaabidiisa lagu shaaciyay baraha bulshada, kadibna waxaa la yaab lahayd in Taliyeyaashii ciidamadii ee mar qura xilalka laga qaaday iyo kuwa cusub ee la magacaabay loo akhriyay golaha Wasiirada iyadoo aanay jirin wasaarad ama wasiir lagala tashaday.
Qorshahan cusub ayaa ah mid ay ku heshiiyeen Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha oo lagu bedelay qaabkii dowladnimo iyo qaabkii magacaabidda loo mari jiray. mana jirto wax awood ah oo ay ku leeyihiin golaha wasiirada intooda kale iyo faafin rasmi ah oo aan ahayn tan baraha bulshada.
Goobjooge.com