Wednesday, June 25, 2025

KASHIFAAD & XAQIIQO: Maxaa ka jira in Maamulka G/Banaadir uu iibsaday Barxadda Ceelgaab..?

Waxaa soo baxay warar ku saabsan in maamulka Gobolka Banaadir uu iibsaday barxad Ceelgaab ee degmada Xamarjajab, Gobolka Banaadir, iyadoo baraha bulshada la iska dhex maray in laga iibiyey shirkadda Koronta ee BECO.

Haddaba dabagal ay sameysay Goobjooge.net ayaa lagu ogaaday in Barxadaasi aan la iibin, isla markaana  wararka la isla dhex marayo ay yihiin been abuur la faafiyey oo ay dad dano gaara ka leh ay wadeen maalmihii ugu danbeeyay.

Xogta ayaa sheegeysa in Waaxda Nadaafadda Dowladda Hoose ee Muqdisho oo barxadaasi leh ay u ogolaatay shirkadda nadaafadda G/Banaadir ee ECO inay ku sii shaqeyso, isla markaana la dhigo baabuurta qashinka gura, dibna loogu habeeyo qashinka laga ururiyo degmooyinka Waaberi iyo Xamarjajab.

Barxadda oo loo yaqaan Biyaasa libero (Piazza della libertà) ayaa muddooyinkii danbe noqotay goob qashin qub ah, waxaana horteeda ay sidoo kale ay ahayd biyo degeen xilliyada roobka aan la mari karin.

Dhulka ay ku fadhido barxada oo hoostaga dowladda hoose ee Muqdisho ayaa shirkadda ECO ee nadaafadda G/banaadir loogu ogolaaday inay isticmaasho, taasoo keentay in goobtaasi laga bilaabo dhisma derbi lagu wareejinayo, sida ay noo xaqiijiyeen mas’uuliyiinta nadaafadda.

Maamulka G/Banaadir ayaan la ogeyn sida uu arrintan u wajihi doono, iyadoo laga yaabo inuu faahfaahin ka bixiyo arrintan oo xafiiska Madaxweynaha u adeegsaday war-saxaafadeed ka oo baxay maanta.

HOOS KA AKHRI QORMOOYIN KALE

Madaxweyne Farmaajo oo Amar culus kasoo saaray iibinta & Kireynta Dhulka dowladda [Akhriso]

AKHRISO: Saddex Khalad oo ku jiray Warkii kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha [Yaase ka danbeeyay..?]

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON