Monday, July 14, 2025

Kenya oo Maxkamadda ICJ ka Dalbatay in dib loo dhigo dhageysiga Dacwadda Badda ee kala dhaxeysa Somalia

Dowladda Kenya ayaa dalab cusub u dirtay Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaalladda ICJ, iyadoo ka codsatay in dib loogu dhigo dhageysiga Dacwadda Badda ee kala dhaxeysa Somalia.

Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Kenya Kihara Kariuki ayaa qoraal uu u diray Maxkamadda ICJ uga dalbaday inay dib loo dhigo dhageysiga Dacwadda Badda ee Somalia iyo Kenya oo mar kale dhageysigeeda ka furmayo magaalada Hague ee dalka Holland 9-ka Bishan September, wxuuuna sabab uga dhigay inay Kenya waqti u hesho iyadoo dooneysa inay qareeno cusub qorato.

Kenya ayaa dadaal aan kala joogsi lahayn ugu jirta inay carqaladeyso dacwadda ka socota Maxkamadda ICJ, iyadoo wada ololeyaal wejiyo badan oo ujeedkoodu yahay in lagu hor istaago dacwadaasi, oo ay ka cabsi qabto in laga xukmiyo xuduudak Badda ee ay sheegatay oo Somalia ay leedahay.

Lama oga in Maxkamadda Cadaaladda ay aqbali doonto codsiga dowladda Kenya iyo in kale, waxaana dowlada Somalia ay sheegtay inay diyaar u tahay dacwadda, ayna ka war sugeyso Maxkamadda. Maxkamadda ICJ ayaa hore dib u dhigtay dhageysiga dacwad noocan oo kale ah kadib markii mid ka mida dalalkii isku hayey kiiska uu dalbaday in dib loogu dhigo, iyadoo loo qabanayo waqti kale.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON