Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka qeyb galay shir ku saabsan u diyaargarowga Doorashada oo ay yeesheen Guddi hoosaadka lagu magacaabo ‘Tubta Siyaasadda loo dhan yahay’ oo maanta ka dhacay Muqdisho, iyadoo ay ka qeyb gashay Guddoomiyaha Guddiga Qaran ee Doorashada Xaliimo Ismaaciil Ibraahim.
Shirkan ayaa lagu falanqeeyay sidii xukuumaddu si buuxda uga shaqayn lahayd hirgalinta doorashada dalka oo xilligeeda lagu qabto. Shirka waaa furay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, waxaana guddoomiyay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkaMahdi Maxamed Guuleed (Khadar).
Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Marwo Xaliimo Ismaaciil Ibrahim (Xaliimo Yareey) ayaa sheegtay in ay guddigu diyaariyeen tallaabooyinka farsamo ee laga sugayay guddiga si loo hirgeliyo Doorasahada.
Kulanka ayaa looga dooday baahida degdegga ah ee loo qabo wada tashi loo dhanyahay oo ay yeeshaan dowladda Federaalka iyo dhammaan dowlad goboleedyada, si loo hirgeliyo doorasho loo dhan yahay oo xilligeeda ku qabsoonta.
Xubnaha guddiga Wasiirad ah ayaa si wadajir ah isula gartay muhiimmadda ay leedahay in la helo heshiis siyaasadeed u gogol xaara in loo gudbo arrimaha farsamo ee Doorashooyinka, kadibna loo soo bandhigo qorsho cad oo waqtiyeysan.
Wasaarraddaha Amniga, maaliyadda iyo arrimaha gudaha ayaa iyana soo bandhigay qorshaha uga aaddan doorshooyinka.


