Ra’iisul Wasaarahaxukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka qeyb galay shir uu beesha Caalamka ka dalbaday Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni oo looga hadlay xaaladda degmada Qardho iyo gurmadka loo fidinayo.
Shirka oo ahaa mid Muuqaal ahaan u dhacay ayaa waxaa ka qeyb galay safiirrada iyo wakiilada Beesha Caalamka u jooga Soomaalya, hay’adaha gargaarka, Q/Midoobay, waxaana madaxweynaha Puntland uu warbixin ka siiyey xaaladda Qardho.
War kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay inuu shirka fududeeyay Wakiilka Q/Midoobay James Swan, isla markaana uu ka qeyb galay Ra’iisal wasaare Kheyre, halka Xafiiska Ra’iisal wasaaraha uu qoray inuu shirka guddoomiyey Xasan Cali Kheyre.
Qoraalka Madaxtooyada Puntland ayaa lagu yiri: “Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hab maqal iyo muqaal ah uga qeyb galay Shir Puntland ay ka codsatay Beesha Caalamka oo uu fududeeyay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan, uuna ka qeybgalay Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre. Kulanka ayaa looga hadlayey sidii looga falcelin lahaa fatahaadii ka dhacday Qardho.Waxaa kulanka looga hadlay marxaladda cusub ee ah in la gargaaro dadkii dhaawaca weyn uu soo gaaray guryahooda ama ganacsigooda, sidii loo leexin lahaa Biyaha iyo meelaha ay soo maraan iyo in xal waara laga gaaro arrintan”
