Monday, June 23, 2025

Khilaafkii Aqalka Sare, Madaxtooyada iyo Xukuumadda oo si hoose loo xaliyey [Maxaa isbedelay..? -Akhriso]

Guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa aqbalay jawaab ay ka heleen xukuumadda Soomalaiya oo ku saabsan sidii xal looga gaari lahaa tabashooyinka ay soo gudbiyeen madaxda dowlad Goboleedyada.

Kulan ay maanta yeesheen Guddiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare oo uu guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Cabdi Xaashi C/llaahi ayay uga hadleen jawaabta xukuumadda u soo gudbisay, iyadoo lagu dhawaaqay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ka soo jawaabtay  farriimihii Aqalka sare.

Maanta ayay ahayd markii Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre uu soo saaray qoraal uu ku magacaabay Guddi wasiiro ah oo AqalkaSare kala shaqeynaya xalinta khilaafka dowladda Federaalka iyo Dowlada Goboleedyada.

Ad

Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa kulanka kadib sheegay inuu Xukuumadda Soomaaliya uga mahad celinayo jawaabta ay u soo gudbiyeen ee ku saabsan xal  u helidda khilaafka ka dhaxeeya Dawladda federaalka Soomaaliya iyo Dawlad goboleedyadda.

Xogta laga helayo Aqalka Sare ayaa sheegeysa in arrintan ay ka danbeysay kulamo dhex maray Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Madaxweyne Farmaajo oo hore khilaaf u soo dhex galay markii madaxtooyada ay albaabada la xiratay Cabdi Xaashi, taasoo keentay in Aqalka Sare muddo 3 maalmood ah u qabto Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha, kuna eedeeyo in dowladda Federaalka aanay daacad ka ahayn arrintan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON