Kulan lagu soo gunaanaday khilaafkii u dhaxeeyay labada guddoon ee Baarlamaanka Federaalka ayaa ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia.
Kulankan oo lagu heshiisiiyey labada Guddoonka ee labada Aqal, iyo Guddoonka Aqalka Sare iyo madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa gacan ka geystay madaxda Dowlad Goboleedyada oo Muqdisho ku sugan, waxayna markii uu shirku u soo dhammaaday wada galeen sawir wadajir ah.
Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoonka Aqalka Sare ayaa isku maandhaafay Doorashada dalka, waxana markaas kadib xiriirkoodii sii xumaaday guddoonka labada Aqal, taasoo keentay in meesha laga saaro doorkii Aqalka Sare ku lahaa ariamaha Doorashada.
Kadib heshiiskii Doorashada oo meesha ka saaray Doorasho Qof iyo Cod ah, iyo sharciyadii ay sida gaarka ah u wateen Golaha Shacabka waxaa kulankan loo qabtay si loo muujiyo in dhammaan hay’adaha dowladda ee Madaxtooyada, labada aqal ee Baarlamaanka iyo Maamul Goboleedyada ay heshiiyeen.
Heshiiska Doorashada ayaa la filayaa in la geeyo kulan wadajir ah oo Saaabtida ay yeelan labada Aqal ee Baarlamaanka, waxaana lagu wadaa in wadajir ah ay u meel mariyaan sida lagu heshiiyey.