Sunday, July 13, 2025

Khilaafkii ugu adkaa xulista Xildhibaanada Galmudug oo xal laga gaaray [Beesha Ceyr oo u tanaasushay Ahlu suna..]

Khilaafkii ugu weynaa ee hortaagnaa xulista xildhibaannada cusub ee Galmudug ayaa xal laga gaaray, kadib markii uu waanwaan ka galay Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Odayaasha Beesha Ceyr iyo xildhibaannada kasoo jeeda Beeshan ayaa ogolaaday in Ahlu suna ay u daayaan 5 xildhibaan oo ay beeshan kasoo magacawday iyadoo Beeshan ay 6 xildhibaan ku leedahay xildhibaannada Galmudug, waxaana arrintu noqotay in Ahlu suna loo ogolaado xubnahaasi ama uu fashilmo heshiiska Ahlu suna.

Beeshan oo sidoo kale uu kasoo jeedo hoggaamiyaha Ahlu suna Macalim Maxamuud iyo inta badan madaxda ururkaasi ayaa la isku afgartay in Ahlu suna ay qaadato xubnaha 5-ta ah ee ay soo magacaabatay, kadib kulan galabta ka dhacay magaalada Dhuusamareeb.

Waxaa kulanka ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Somalia, Wasiirka Arimaha Gudaha, Xildhibaanada labada Gole Barlamaanka Federaalka ee kasoo jeeda Beeshan iyo Odoyaasha Dhaqanka ee Dhuusamareeb, Guriceel iyo Matabaan.

Wararka ayaa sheegaya in la dardargelin doono dhismaha Baarlamaanka cusub ee Galmudug oo dib u dhac kale ku yimid, lana filayo ina lasoo dhammeystiro xildhibaannada gaaraya 89 ee Galmudug.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON