Thursday, June 8, 2023

Kiiska Haweeney hore u sheegtay inay kufsadeen Ciidamada Booliska oo weji cusub yeeshay

Taliska Ciidamada Booliska ayaa warbixin cusub kasoo saaray Kiiska Haweeney sheegtay inay kufsadeem ciidamo ka tirsan Booliska, iyadoo xabsi ku jirta, loona heysto fal dil ah, iyadoo kufsigaasiga ku dhashay wiil.

Haweeneydan oo lagu magacaabo Xaliimo C/llaahi Aadan ayaa bishii Janaayo Baraha bulshada ku baahisay inay kufsadeen ciidamadii gacanta ku hayey, arrintaas oo dhalisay hadal heyn badan ayaa keentay in Guddi loo saaro, si loo baaro kiiska.

Haweeneydan oo lasoo xiray, 17 Maarso 2019 markii ay Afgooye dishay Askari ka tirsan ciidamada Milateriga Dable Adaan Xaaji Geedi, loona wareejiyay xarunta CID-da oo lagu hayey muddo. Sida uu sheegay Afhayeenka Booliska waxaa kiiskan loo baaray 33 qof oo 31 ka mida ay yihiin askartii ay soo eedeysay.

Ad

Inkastoo la caddeeyay inay Xaliimo uur leedahay lahayd, haddana Booliska wuxuu sheegay in wiilka ay soo bandhigtay ee Saabir Yare aanay dhalin, lana ogaaday inay kasoo wadatay Barakacayaasha degaanka Weydow.

Waxay Boolisku caddeeyeen in Wiilkii Saabir Yare la dilay, ayna ku lug yeelatay Hooyada dhashay Xaliimo oo lagu magacabao Safiyo Cabdi C/raxmaan, taasoo ah kiis kale, waxaana hadda loo heystaa Xaliimo iyo Hooyadeed laba kiis oo dil ah iyo marin habaabin cadaaladda, iyadoo Maxkamad loo gudbin doono kiiskan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,966FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,966FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!