Weerar dabley hubeysan xalay ka geysteen Magaalada Kismaayo oo xarunta KMG u ah maamulka Jubaland ayaa lagu dilay sarkaal hore uga goostay Alshabaab oo isu dhiibay maamulka Jubbalanad.
Sarkaalkan la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cumar Yaqiinudiin, isagoo ka mid ahaa xafiiska dacwada Al-shabaab, waxaana sanadkii hore uu ka goostay Alshabaab, isagoo markaas kadib si qarsoodi ah ugu noolaa magaalada Kismaayo, kuna shaqeynayay macalinnimo.
Wararka ayaa sheegaya in laba dhalinyaro oo bistoolado ku hubeysan ay rasaas ku fureen xilli uu ka baxay Masaajid uu ku tukaday Magaalada Kismaayo, iyadoo meydkiisa ay goobta ka qaadeen dad ehel la ah, iyadoo markaas kadib ay goobta tageen ciidamada amniga maamulka Jubbaland.
Alshabaab ayaa bartilmaameedsada xubnaha ka goosta ururkooda, kuwaasoo amnigooda la ilaaliyo, iyadoo aanay inta badan ka hadlin falalka ay ku ugaarsadaan dadkaasi.