Wararka laga helayo Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in koox ku hubeysan ay toogasho ku dileen Nin weriye ah oo ka mid ahaa saxafiyiina hore.
Weriye Jamaal Faarax Aadan ayaa markii la toogatay ku su sugnaa goob ganacsi oo uu ku Waqooyiga magaalada Gaalkacyo, waxaana weerar ku qaaday laba dhalinyaro ah oo ugu galay xaruntiisa, kadibna rasaas ooda uga qaaday.
Waxaa falka lagu dilay weriya ku dhawacay nin kale oo magaciisa lagu sheegay Dhagdheer Tarabi, kaasoo joogaygoobta ganacsi ee weriyaha. Wuxuu wariyaha u geeriyooday ayaa dhaawac culus ka soo gaaray rasaastii lagu furay.
Jamaal Faarax Aadan oo in muddo ah kasoo shaqeeyay qaybaha warbaahinta deegaanada Puntland, islamarkaana mar soo noqday maamulka idaacadda Daljir qaybteeda Gaalkacayo ayaa mudda ka maqnaa saaxada saxaafadda.
Magaalada Gaalkacyo ayaa ka mida magaalooyinka ay ka dhacaan dilalka qorsheysan iyo qaraxyada iyadoo ay kala maamulaan labada maamul ee Puntland iyo Galmudug.
