Tuesday, July 1, 2025

Kooxda Alshabaab oo Dil ku fulisay Shan Nin oo Basaasnimo lagu soo Eedeeyay

Kooxda  Al-shabaab ayaa toogasho ku fulisay Shan Nin oo lagu soo eedeeyay inay basaasiin u ahaayeen dowladda Soomaaliya iyo sirdoonnada dalalka deriska ah.

Toogashada ayaa ka dhacadya degmada Kurtunwaarey ee Gobolka Shabeellaha hoose, waxaana maxkamadda Alshabaab ay sheegay inay qirteen shanta qofba dembiga lagu soo eedeeyay.

Magacyada shanta qof ee la toogtay ayaa kala ahaa:

1-Cabdi Qaadir Cumar Xasan Oo Da’diisu tahay 23 Jir. waxaa lagu eedeeyay inuu la shaqeynayay Maamulka dowladda Federaalka ugu magacaaban degmada Qoryooley.

2-Cabdi Qaadir Shukri Xasan Oo Da’diisu Tahay 30 Jir waxaa lagu eedeeyay inuu la shaqeynayay Sirdoonka Dowladda Federaalka

3-Muxamed Abshir Cali Oo Da’diisu Tahay 35 Jir waxaa lagu eedeeyay inuu la shaqeynayay Taliska Ciidamada Xabashida Itoobiya Ee duullaanka Ku Jooga Qeybo Ka Mid Ah Gobalada Baay iyo Bakool.

4-Cali Axmed Sheekh Cali Oo Da’diisu Tahay 30 Jir wuxuu la Shaqeynayay Sirdoonka Dowladda Federaalka

5-Cali Yuusuf Axmed Oo Loo Yaqaano Jacfar Dheere Oo Da’diisu aheyd 36 Jir waxaa lagu eedeeyay inuushaqeynayay Dowladda Kenya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON