Thursday, June 26, 2025

Ku-xigeenka Xoghayaha Q/Midoobay oo ka hadashay Kiiska Ikran Tahlil, Khilaafka Madaxda iyo Doorashada…

Ku-xigeenka Xog-hayaha Guud ee Q/Midoobay Amina Jane Mohamed ayaa maanta socdaal ku timid magaalada Muqdisho, iyadoo kulamo kala duwan la yeelatay, madaxweynaha xilligisu dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo, Ra’iisal wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, Golaha Wadatashiga Qaran iyo dhicyada Haweenka dalka.

Ujeedka ugu weyn ee socdaalka Amina Jane oo ahaa xaqiijinta Qoondada Haweenka Soomaalida inay ka heleen 30% kuraasta labada aqal ee Baarlamaanka ayaa dhinaca kale, kala hadashay madaxda Soomaalida arrimaha Doorashada, kiiska Ikraan Tahliil iyo Dejinta xiisada siyaasadeed ee ka dhalatay.

“Raiisul Wasaare Rooble iyo xubnaha kale ee Wadatashiga Qaran waxay muujiyeen hoggaamin weyn iyo ka go’naansho ay ku hormarinayaan ka qeybgalka haweenka ee siyaasadda, oo ay ku jiraan hoos u dhigista khidmada murashaxiinta haweenka” ayey tiri Ku-xigeenka Xoghayaha Guud.

Mar wax laga weydiiyay kiiska Ikran Tahliil Faarax, ku-xigeenka xoghayaha guud waxay sheegtay in sarreynta sharciga iyo helidda caddaalad ay muhiim u yihiin ka-hortagga rabshadaha, aynaay xaq u leeyihiin dhammaan haweenka.

Waxay ka hadashay Doorashada iyo khilaafka siyaasadeed ee madaxda sare. “Soomaaliya waxay ku tallaabsatay horumar aad u weyn dhinaca geedi -socodka Doorashada, waxaana i dhiirri geliyay inaan maqlo ballanqaadka dhammaan dhinacyada oo ay ka go’an tahay dardar gelinta Doorashooyinka iyo inay ku socdaan sidii loogu talagalay.

Ku-xigeenka Xoghayaha GuudAmina Jane waxay xustay in khilaafka siyaasadeed aan la oggolaan inuu halis geliyo guulaha laga gaaray dalka. “Waxaan ku kalsoonahay in madaxda Soomaalida ay dejinayaan xiisad kasta, kana fogaadaan ficillada horseedi kara rabshado oo dib u dhac ku keena Doorashada ama wiiqi kara kalsoonidiisa” .

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON