Kulan goor dhoweyd dhex maray madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble iyo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa ka dhacay magaalada Beledweyne.
Kulanka oo aan waqti aad kooban ku dhacay ayaa la sheegay inuu Ugaas Xasan diiday inay ka qeyb galaan xubno la socday Cali C/llaahi Cosoble, oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Gobolka Yuusuf Dabageed, Xildhibaano iyo siyaasiyiin caan ah oo la socday madaxweynaha Hirshabeelle.
Wararka laga helayo magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in kulan
ka labada dhinac oo qaatay waqti kooban Ugaas Xasan ku yaboobay inuu taageerayo maamulka uu madaxda ka yahay Cali C/llaahi Cosoble, taasoo shuruudo dhowr ah ku xiray.
Goobjooge.com