Kulanka shanaad ee Kaldhiga 5-aad ee Golaha Shacabka oo looga doodayo xaaladda amniga dalka, gaar ahaan caasimadda ayaa goor dhaw ka furmay Xarunta Baarlamaanka ee magaalada Muqdisho.
Kulanka maanta furay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan kadib markii kooramku buuxsamau xilli danbe, waxaana soo xaadiray Wasiirada Amniga, Difaaca iyo Taliyayaasha Ciidamada oo maanta wajahaya su’aalaha adag ee xildhibaannada.
Guddoomiye Mursal ayaa ka dalbaday Xildhibaannadu inaysan la hadlin saxaafaddai nta kulanku socdo, wuxuuna u sheegay inay telefoonadooda xiraan; isagoo xildhibaan waliba la siiyey hal daqiiqo oo su’aal uu ku weydiin karo madaxda Amniga qaabilsan oo iyagu heysta inay jawaabta ku bixiyaan muddo 3 daqiiqo ah.
Wasiiro ka tirsan xukuumadda ayaa isku qoray su’aalo weydiinta iyadoo su’aalahooda u bedelay hadal jeedin, waxaana arrintaasi ka hor yimid guddoonka oo u sheegay inay wixii hadaljeedin ah ay shalay ahayd, balse maanta loo yimid su’aalo weydiin, waxaana hadalkii laga joojiyey qaar ka mida wasiirada xukuumadda.
Su’aahihii ugu horeeyay ee xildhibaanada ayaa jawaabta waxaa qaatay taliyaha ciidamada Booliska, iyadoo 10 xildhibaan ay su’aalo dhiibteen, kuwaasoo intooda badan ku socday wasaaradda Amniga.
Kumaha agaasimaha NISA Fahad Yaasiin oo su’aalihii ugu horeeyay intooda badan ku socdeen ayaa jawaabihiisu ahaayeen kuwo koobkooban oo u badan inuusan shaqo ku lahayn… in NISA aysan waxba kala socon iyo in la weydiiyo hay’ado kale oo uu tilmaamay.
Xildhibaannada ku kacsan xukuumadda ayaa si gaara u bar tilmaameedsaday wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow iyo kusimaha Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin oo su’aaha ugu adag la weydiinayo, waxaana markii ugu horeysay Baarlamaanka hortegay ku-simaha agaasimaha NISA oo wararka qaar sheegayaan inuu isagu mas’uul ka ahaa in kulanka maanta laga dhigo mid saxaafadda laga xiro.