Saturday, April 20, 2024

Kulankii Baarlamaanka Puntland oo lagu kala dareeray, kadib Buuq iyo Fowdo hareeyay..

Fowdo iyo buua ayaa hareeyay kulankii Baarlamaanka Maamul Goboleedka Puntland, taasoo keentay in kulanka lagu kala dareero.

Wararka ayaa sheegaya in fadhigii Golaha Wakiillada Puntland ee maant la isku maandhaafay markii xildhibaannada qaarkood ay dalbadeen in kulanka mid xiran laga dhigo oo saxaafadda dibadda looga saaro, iyadoo loo ballansanaa in lala xisaabtamo Wasiirka Qorshaynta Puntland.

Xildhibaanada ayaa ku dooday inay qabaan cabasho ku saabsan Guddoonka oo ay doonayeen inay soo gudbiyaan, laakiin waxaa arrintan ka hor yimid Guddoomiyaha Baarlamanka, Cabdirashiid Yuusuf, waxayna arrintii dhalisay muran iyo buuq hareeyay fadhiga Baarlamanka.

Ad

Xildhibaannada qaar ayaa kacay oo Guddoonka hortegay iyadoo ku qeylinaya inay cabasho qabaan oo ay doonayaan in guddoonka Baarlamaanka kala doodaan, waxayna xaaladii isu bedeshay qas iyo jahawareer keenay in kulankii lagu kala dareero.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa sheegay inuu hakiyey kulankii maanta kadib markii shan xildhibaan is hortaageen habsami u socodkii shaqadii golaha.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON