Tuesday, January 26, 2021

XOG: Maxaa ku qarsoon Qorshaha Qoorqoor ee Dhexdhexaadinta Farmaajo iyo Musharixiinta Mucaaradka?

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo xalay ay kulmay Midowga musharixiinta Mucaaradka ayaa doonaya inuu dhexdhexaadiyo madaxeweyne Farmaajo iyo Musharixiinta ka horjeeda.

Xogta aanu helnay ayaa sheegeysa in Qoorqoor oo habeen hore kulan gaara la yeeshay Madaxweyne Farmaajo, Agaasimaha NISA iyo Ra’iisal wasaare Rooble oo Musharixiinta u sheegay inuu doonayo waanwaan uu isagu isu xilsaaray si xal loogu helo khilaafka ka taagan Arrimaha Doorashada 2020/2021.

Ad

Madaxweynaha Galmudug ayaa u sheegay Mushariixinta inuu isagu goostay inuu dhexdhexaadiyo oo kulan isugu keeno labada dhinac, laakiin jawaabta musharixiinta ayaa noqotay inuu mowqifkooda cad yahay ayna hore ugu caddeeyeen War-Murtiyeedkii shirkooda ee ka koobnaa 18-ka qodob; Waxayna ka dalbadeen Madaxweyne Qoorqoor inuu wakaalad kasoo qaato Madaxweyne Farmaajo.

Tallaabada uu qaaday Madaxweynaha Galmudug ayaa imaaneysa iyadoo uu ka mid yahay madaxweynayaasha maamul Goboleedka ee Madaxweyne Farmaajo kala shaqeynaya in dib loo doorto, taasoo shaki gelin karta kalsoonida lagu qabi karo, waxayna kusoo beeganatay iyadoo ay socotay waanwaan uu wado Madaxweynaha Puntland Sciiid C/llaahi Deni.

Dadaalka uu wado Madaxweynaha Puntland ayaa la sheegay inuu Axmed Qoorqoor ku dhaliyey inuu degdeg waanwaantan u bilaabo, maadamaa musharixiinta Mucaaradka intooda badan isku beel yihiin ama kasoo jeedaan Galmudug.

Lama oga inuu guuleysan doono qorshaha uu wato madaxweynaha Galmudug, laakiin wuxuu yimid xilli beesha caalamka ay dhinaceeda bilowday dadaal lagu dardar gelinayo Heshiiskii Doorashada. Qoorqoor oo u janjeera Madaxweyne Farmaajo ayaa shaki laga qabaa inay u qarsoon tahay in Madaxtooyada u adeegsaneyso kala furfurista Musharixiinta mucaaradka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

153,927FansLike
2,316FollowersFollow
5,729FollowersFollow
153,927FansLike
2,316FollowersFollow
5,729FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

WARARKA UGU SHIDAN

error: Content is protected !!